Wax ka ogow sida ay Nolashooda u maareeyaan dhalinyarada ku shaqeysta Farsamada Gacanta

0
535

Soomaaliya waxey ka mid tahay dalalka ugu horeeya dunida ee ay shaqo la’aantu ka jirto,dadkeenna oo Boqolkiiba 75 ay dhalinyaro yihiin ayaa shaqo la’aantu waxey dhaxal-siisay inay tahriibaan qaarna ay ku biiraan kooxaha xag jirka ah,balse waxaa jira dadaallo ay dowladdu wado kuwaasi oo ah sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhalinyarada.

Laakiin waxaa jira dad Soomaaliyeed oo shaqo la’aantaa kaga baxay gacmahooda oo ku tiirsan farsamada gacanta oo ay ku soo saaraan alaabaha muhiimka u ah bulshada kuwaasi oo ka mid yihiin agabka lagu dhiso guryaha. qaar ka shaqeeya tumista Biraha oo ay ka soo saaraan alaabo dhaxalgal u ah bulshada.

Shaqoyinka ay dhalinyaradu nolashooda ku maareeyaan ayaa wax aka mid ah Tolista dharka iyagoo adeegsanaya Dawaarka ama Harqaanka maadama aysan jirin Warshado soo saara dharka marka laga reebo in laga keeno dalka dibadiisa.

Si aan wax badan uga ogaano waxaan wareysanay qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysta Farsamada Gacanta si aysan cidna ugu tiirsanaan oo ay u maareyaan noloshooda.

Nuur Abuu Aways waxaa uu ka shaqeeya biro tumista waxaa uu sharaxaad ka bixinayaan shaqadiisa baro tumista waxa uuna sheegey in uu shaqadaan ku maareeyo Nolashiiisa balse ay uga fiicnaan lahayd dalka oo ay ka howl galaan warashado waa wayn si dhammaan dhalinyaradu ay u helaan goobo ay ka dhacsadaan Mustaqbalkooda.

Dhalinyarada aan la kulanay ayaa qaarkood waxa ay ka shaqeynayeen farsamooyinka kala duwan ee gacanta waxey u muuqdeen kuwa xirfadooda ku qanacsan maadaama aysan jirin shaqo kale oo ay heli karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here