Golaha Wasiirada cusub ee K.G oo yeeshey kulankoodii Koobaad

0
262

Golaha Wasiirada cusub ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Beydhabo ku yeeshey kulankoodii ugu horreeyay,golahan ayaa la ansixiyay maallinimadii shalay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane CabdiCasiis Xassan Maxamed Lafta –Gareen, ayaa shir guddoominayay shirka golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ugu horeyn isu bartay Wasiirrada dhawaan la Magacaabay iyo Madaxweyne Lafta gareen.

Waxaa inta badan looga hadley shirka, sidii ay xilalka isugu wareejin lahaayeen Wasiirrada cusub iyo kuwii hore,iyo sidii loo dar-dar galin lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka Jira degaannada Koonfur galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here