Puntland oo amartay in muddo saddex maalmood gudohood looga guuro Marsada Kalluunka Bosaaso+Sawirro

0
277

Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Puntland ayaa ku amartay ganacsatada Suuqa Kalluunka ee magaalada Boosaaso in ay saddex maalmood gudohood uga guuraan Marsada kaluunka ee Boosaaso.

Wasaarada ayaa sheegtay in iyadoo laga duulayo ilaalinta iyo sugidda amniga Dekedda Boosaaso ay lagama maarmaan u noqotay in la xiro Marsada iyo suuqa Kalluunka ee ku dhexyaalay gudaha Dekedda Boosaaso iyadoona laga bilaabo 5-ta bishan Sadexaad loo asteeyay in la xiro Suuqa Kalluunka ee Boosaaso.

Marsada iyo suuqa Kalluunka ee magaalada Boosaaso ee ay wasaarada Dekeduhu amartay in la xiro ayaa furneyd in ka badan 10 sano iyadoona amarkan lagu xirayo uu saameyn togan ku yeelanayo ganacsatada ka ganacsada Kalluunka iyo dhamaan dadka ku shaqada leh arimaha kalluumeysiga.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here