Ilhaan Cumar oo ka wajaabtay Sawirro laga sameeyay

0
327

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Koongareeska Mareykanka ayaa jawaab adag ka bixisey Sawir laga sameeyay kaas oo lagu weeraray shaqsi ahaanteeda kaas oo muujinayay in ay ku lug lahayd weerarkii 11 September 2001 lagu beegsaday daarihii mataanaha ee Mareykanka.

Sawirkan ayaa lagu dhajiyay darbiga Xarunta  baarlamaanka Jamhuuriga ee magaalada Charleston waxana ka muuqdey Ilhaan oo ay ka dambeeyaan Sawirada daarahii mataanaha oo gubanaya,waxey arintaasi aad uga careysiisay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo aad u cambaareysay.

Sawirka ayaa lagu soo xardhay erayo iyo hal ku dhigyo ka turjumaya nacaybka loo qabo guud ahaan muslimiinta waxana ku qornaa sidatan ”waxaad dhahdeen ha iloobina,aniga ayaa cadeyn u ah waa ilowdeen”

“la yaab malaha inaan ku jiro liiska dadka “la doonayo in la dilo” ee kooxaha argagixisada ee gudaha ay raadsanayaan iyo waliba in kaalinteyda shidaalka lagu qoray ‘Ilhaan hala khaarajiyo’, ayey tidhi.

Siyaasiyiinta Jamhuuriga ee kasoo jeeda galbeedka Virginia ayaa sheegay in aysan taageerin hadal nacayb ah isla markaana ay qofkii sawirka meesha ku dhajiyay ka dabadeen inuu ka fujiyo.

Ilhaan ayaa lagu soo doortay doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ka dhacday bishii Nofember ee sannadkii hore, waxayna noqotay mid ka mid ah labo haween ah oo muslimiin ah, oo markii ugu horreysay abid ku biiray aqalka Koongareeska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here