Dhalinyaro Baratay Farsamada Gacanta oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay degmada Afmadow

0
495

In ka badan 25 Dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa maanta munaasabd shahaadooyin lagu gudoonsiinayo loogu qabtay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose

Dhalinyaradan Shahaadoyinka la gudoonsiiyay ayaa bartay culuumta kala duwan sida Karinta iyo kalaraynta dharka oo ay barteen gabdhaha halka wiilashana ay barteen cilad bixinta gawaarida iyo farsamooyin kale.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay maamulka cusub ee degmada Afmadow oo dhalinyarada ku dhiiri galiyay cilmiga la baray in ay uga faaideeyaan qaybaha kala duwan ee degmada afmadow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here