Gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay gudaha Mareykanka

0
548

Muna Kuri oo 36 jir ah ayaa medykeeda laga helay guriga ay daganeyd oo ku yaalla magaalada Van Dyke ee gobolka Michigan ee wadanka Mareykanka.

Muna walaasheed oo lagu magacaabo Amiina Salaad  ayaa u sheegtay Telefishinka FOX ee Mareykanka laga leeyahay in walaasheed warkeeda iyo wacaalkeeda la waayey maalinimadii Sabtida.

Waxaa jira tuhun ah in Ninkeeda uu dilay,Booliska ayaa wada baaritaan ku aadan dilka lagula kacay Muna Kuri oo ahad gabar Soomaaliyeed.

Muna ayaa markii la helay waxaa ka muuqday nabarro kaga yaal madaxa,waxaana meydkeeda uu saarnaa sariirteeda.

Amina Salaad ayaa ku eedeynaysa Seyga marxuumadda inuu dilkaasi geystay

ILAAHAY ha u naxariisto Marxuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here