Guddoomiye Mursal oo gaarey dalka Turkiga

0
275

Guddoomiye Musal iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo kicitimay Magaalada Cammaan ee Dalka Jordan ayaa gaaray Magaalada Ankara ee dalka Turkiga,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Ankara Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Turkiga iyo xubno kale.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka jor inta uusan imaanin Turkiga Dalka Jordan uga soo qeyb galay Shirkii Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa soo gabageeyay socdaalkii halkaasi ku joogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here