Kismaayo: Odeyaasha dhaqanka Jubbaland oo loo dhisayo xarun cusub

0
168

Wasaaradda arrimaha gudaha Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo maamulka degmada Kismaayo ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay magaalada Kismaayo xarun xusub oo ay ku shaqeyn doonaan Odayaasha dhaqanka Jubbaland.

Xaruntaan oo ku taalla xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo ayaa noqon doonta mid ay si rasmi ah ugu shaqeeyaan Odeyaasha dhaqanka Jubbaland.

Afhayeenka Saaldiinta Jubbaland Ugaas Cumar Xiireey ayaa u mahadceliyay Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland iyo maamulka degmada Kismaayo, wuxuuna sheegay in xaruntaan ay ugu shaqeen doonaan Umadda Soomaaliyed

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Aadan Faarax Gaarane iyo Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Timo Jilic ayaa sheegay in Odeyaasha dhaqanka Jubbaland ay bulshada ugu adeegi doonaan xaruntaan.

Odeyaasha dhaqanka ayaa kaalin muhiim ah kaga jira xalinta khilaafaadka ka dhex dhaca bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here