Madaxweynaha Venezuela oo mar kale taageerayaashiisa ugu baaqay isu-soo-bax

0
230

Madaxweyne Nicolas Maduro ayaa sheegay in loo baahan yahay taageerayaasha dowlada Venezuela inay qabtaan banaanbax balaaran Sabtida soo socota si loo aamusiyo mucaaridka oo iyagu mudaharaadyo waday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Maduro ayaa sheegay in mucaaridka laga tiro badan yahay ay doonayaan inay xoog kula wareegaan awooda dalkaasi iyagoo garab maraya natiijadii doorashadii looga guuleystay sanadkii tagay. Nicolas Maduro ayaa baaqan soo jeediyey xili uu dhacayey xuska Madaxweynihii hore Hugo Chavez oo geeriyooday 6 sano kahor.

Hogaamiyaha mucaaridka oo isagu todobaadkii hore ku maqnaa dalalka jaarka la ah Venezuela ayaa isniintii lasoo dhaafay dib ugu soo noqday gudaha dalkaasi isagoo sheegay inuu abaabulo mudaharaadyo horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here