Saraakiil ka socotey Hirshabeelle,Galmudug iyo Jubbaland oo tababar ugu soo gabgaboobey Kismaayo

0
403

Tababarkaan ayaa loo qabtay qaar kamida Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenada ciidamada Booliska ee dowlad goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug iyo Jubbaland.

Saraakiisha ka qeyb galayay tababrkaan ayaa laga kala soo xulay  dowlad goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug iyo Jubbaland,waxaana kulankaan marti galisey dowlad goboleedka Jubbaland.

U jeedada loo qabtay tababrkaani ayaa ah is dhexgalka ciidamada Booliska Soomaalyeed ee xubnaha ka ah dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo wada shaqeynta laamaha Amniga.

Tababarkaan ayaa Socday in Muddo Waxaana lagu bartay macluumaad fara badan oo la xiriiri Arimaha Booliska iyo Sidii looga hor tagi lahaa waxyaabaha lidig ku ah arimaha Amniga.

Gabagabadii tababarkaan waxaa soo xiray agaasimaha Wasaradda amniga Soomaaliya Axmed Cali,waxa uuna sheegay in tababrkaani uu yahay muhiimada uu leeyaha in kor loogu qaado xirfadda Booliska Soomaliyeed,ugu dambeyntii waxa uuna kula dardaraamay Saraakiisha tababarka qaatay in ay ugu adeegaan casharadii ay qaateen dadkooda iyo dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here