DEG DEG: Tira ka mid ah Malleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab oo lagu diley Howl-gal ka dhacey duleedka Jamaame

0
187

Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa howl gallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galladan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waaxey ka dhaceen meel 10 KM u jirta degmada Jamaame iyagoona ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay jiinka wabiga ka galeen deegaanka Yiirey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jamaame.

Tira ka mid ah Malleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab ayaa howl-galka lagu khaarajiyay,waxaana nolasha lagu hayaa oo maxaabiis ahaan loo soo qabtay tira iyaga ka mid ah.

Sida ay sheegeen Saraakisha Ciidamada Jubbaland 6 Qof oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil sar sare ayaa laga diley haraadiga Al-shabaab,waxaana nolasha lagu qabtay 3 Kale.

Saraakiishan la diley ayaa lagu kala magacaabaa Cali Waraabe,Tima Jilic iyo Galley kuwaas oo Malleeshiyaadka u qaabilsanaa dhibaateynta dadka deegaanka.

Malleeshiyaadka Argagixisada AL-Shabaab oo la gaarsiiyay khasaaro xooggan ayaa degmada Jamaame ka soo direy gurmad gaaraya 3 Gaari iyo ciidankooda,balse Ciidamada Mareykanka oo howl galka qayb ka ahaa ayaa gabi ahaanba duqeeyay 3-dii Gaari iyo dhammaan ciidankii saarna halkaas oo ay ku basbeeleen tiro xoog leh oo ka mid ah Malleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab.

Wali waxaa ka socda deegaanada hoos yimaada degmada Jamaame gaar ahaan kuwa saaran Jiinka Wabiga howl-gallada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab,waxaaana ayna ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland kaabiga ku hayaan degmada Jamaame.

Goordhow ayaan idin soo gudbin doonnaa faahfaahinta iyo Sawirada howl-galladaas.

Kala soco Jubbaland TV.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here