Maalinta Biyaha Aduunka oo laga xusey Kismaayo

0
332

Munaasabad loogu dabaaldagayay maalinta Biyaha Aduunka oo ku beegan 22 March ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland,xubno ka socdey labada Golle ee Jubbaland iyo Mas`uuliyiin ka socdey Shirkadaha Biyaha bixiya ee ka howl gala magaalada Kismaayo.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada oo qayb ka ahaa munaasabadda ayaa hadallo kooban ka soo jeediyay madashada waxa ayna sheegeen in Biyihu ay yihiin wax yaabaha lagama maarmaanka u ah Biniaadamka,sidaa daraadeed ay muhiim tahay in la helo Biyo tayadoodu ay aad u wanaagsantahay.

Wasiirka Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Maxumed oo kulan ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay qorsheyanayso sidii bulshada Jubbaland ay ku heli lahaayeen Biyo macaan oo nadiiif ah.

Madaxweyne ku xigeenka 2-Aad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamud Luga Dheere oo gabagabadii kulanka soo xirey ayaa ku baaqay in Munaasabadan owgeed maanta biyo Bilaash ah la siiyo Bulshada Kismaayo loo dareemo Muhiimadda ay maalintan u leedahay Bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubbaland oo ka duuleysa hadalka Madaxweyne ku xigeenka Labaad Cabdiqaadir Xaaji Maxamud Luga Dheere  ayaa Booyado biyaha ah gaarsiisey halka ay daganyihiin dadka ka soo laabtey Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here