Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada Jubbaland oo kormeer ku tagay Xafiiska xiriirka Kubadda Cag-Yaraha Jubbaland

0
116

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland ayaa kormeer ku samaysay xafiiska ay ku shaqeyaan xiriirka Kubadda Cag-Yaraha Jubbaland oo dhawaan laga hirgaliyay Magaalada Kismaayo .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa wax qabadkooda ka dhageystay xubnaha xiriirka Kubadda Cag-Yaraha Jubbaland.

Xiriirka Kubadda Cag-Yaraha Jubbaland ayaa dhawaan furey Tartanka ay u qabteen kooxaha ka dhisan dagmada Kismayo ee xiriirka Kubadda Cag-Yaraha Jubbaland.

Mas`uliyiinta Xiriirka Kubadda Cag-Yaraha Jubbaland oo u warbixinayay Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland ayaa sheegay in ay ka shaqeeyeen mudadii ay jireen horumarinta Arrimaha is dhexgalka dhalinyarada.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland ayaa dhawaan furtay horyaalka Kooxaha kubadda Cagta Jubbaland,waxaana ay wadaan horumarinta ciyaaraha guud ahaan deegaanada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here