Shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Nairobi iyo Mandera oo ay dad ku geeriyoodeen

0
286

Inta la xaqiijiyay dad gaaraya 15 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen Shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Nairobi Mandera.

Shilkaan ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Matuu,waxaana sababta shilka keentay kaddib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaada iyo bas ay saarnayeen dadka dhintay.

Booliska gaar ahaan kuwa ilaalada wadooyinka ayaa goobta gaaray ayadoo sidoo kale dadka dhaawaca ah qaarkood kuwa halista ah la geeyay isbitaalka guud ee deeganka Matuu halka kuwa kale Nairobi loo soo gudbinayo sida qorshahu yahay.

Wadooyinka isku xira caasimadda dalka Kenya iyo sidoo kale gobolada waxaa inta badan ka dhaca shilalka noocyadan oo kale ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here