Booliska Soomaaliya oo fariin u diray shacabka

0
342

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax xalay ka dhacay meel ku dhow afaafka hore ee xarunta tababarka ciidanka booliiska ee Gen: Kaahiye.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska Gen: Sakiya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ay ku howlanyihiin xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho,iyada digniin u dirtay shacabka.

Waxa ay sheegtay xiliyada ay dhacaan qaraxyada in ay jiraan dad had an oo ku soo xooma goobahaas oo halistoodu badantahay lagana yaabo in ay qaraxyo kale dhacaan kuwaas oo sii kordhin Kara qasaaraha.

Ugu dambayntii waxa ay sheegtay in shacbku ay la soo xiriiri Karaan shacabku taliska ciidanka hadii ay dareemaan Qatar Amni isla markaana ay soowacaan lambarka 991.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here