Banaanbaxyo waa wayn oo ka soconaya Caasimadda Suudaan

0
193

Tobanaan Kun oo Reer Suudaan ah ayaa iskugu soo baxey aroortii hore ee saaka xarunta Taliska Ciidamada dalka ee ee ku taalla bartamaha Caasimada dalka ee Al-Khartoum.

Banaanbaxyada haatan ka socda qayba ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi Suudan ayaa u muuqda kuwa sii xoogeysanaya xilli Xukuuumada Al Bashiir ay isku dayeyso in xoog ku kala dirto dadka Mudaaharaadaya.

Shacbiga Reer Suudaan ayaa aad uga soo horjeeda Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Al Bashiir waxeyna dalbanayaan in is badal lagu sameeyo nidaamka Sodon jirsadey.

Wararka ayaa intaa ku daraya in saaka ay israsaaseyni dhex martey Ciidamada Millatariga Suudaan iyo Amniga,Sirdoonka oo dhinac ah lamana saadaalin karo sida uu noqon karo xaalka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here