Ciidamada ammaanka oo howlgallo ka sameeyay magaalada Muqdisho

0
48

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgal gurguri loo baarayo qeybo ka mid ah xaafaddaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalada qeyb ka yihiin qorshaha la doonayo in lagu sugo Amniga magaalada Muqdisho oo waayadii ugu danbeeyay ahaa mid faraha ka sii baxaya.

Howlgalka inta u socday ayeey ciidamadu dibada u soo saareen dhalinyaro farao badan kuwaa oo lagu sameeyay baaritaanno qaarkoodna la sii daayay halka kuwa kalana wali gacanta ku hayaan laamaha Amniga.

Howlgalkan ayaa daba socda howlgallo is-xig-xiga oo habeenadii la soo dhaafay laga sameeynayey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Magaalada Muqdisho ayaa wali u kala xiran degmo degmo oo aan la ogoleyn in ay gaadiidku isaga gudbaan, taasoo dhibaato weyn ku ah isku socodka dadka reer Muqdisho oo ay qasab ku tahay in halkaa ay markii hore ku tagi jireen hal gaari hadda ay ku qaadaneyso ugu yaraan labo koorso oo ay Lug-na u dheer tahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here