Soomaaliya oo 30 sano kaddib dib ugu laabatay Midowga Boostada Caalamka

0
342

Soomaaliya ayaa dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyada oo la inaga qaaday xannibaad inaga saarneyd dhinaca boostada.

Kulan lagu qabtay xarunta dhexe ee UPU ee dalka Switzerland, ayaa waxaa lagu saxiixay heshiis u oggolaanaya dalkeena in uu soo ceshto xubinnimo buuxda lagana qaado xayiraadda isla markaana ka faa’ideysan karo adeegyada UPU.

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya Boostada dalkeena inay dalka dibeddiisa wax u diri karto, isticmaali karto dhammaan barnaamijyada UPU sidoo kalena heli karto taageerada farsamo ee ay xaqa u leeyihiin dalalka soo koraya.

Wasiir Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee UPU oo uu ugu horreeyo Agaasimaha guud oo fududeeyay wax badan oo la xiriira deynta iyo habka loo bixin doono.

Wasaaradda ayaa dhamaadkii 2017 ku guuleysatay dib u soo celinta xubinnimada Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) taas oo loo xayiray deymihii qaaraanka ee soo ururayay tan iyo 1983-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here