Baarlamaanka Puntland oo guddi xaqiiqa raadin ah u saarey kiisaska Kufsiga ah

0
297

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa isku raacay  in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kufsiga ku soo badanaya deegaanada Puntland,si go’aanno masiiriya looga soo saaro.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) guddoomiyaha golaha wakiilada, ayaa guddiyada qaabilsan xuquuqul-insaanka iyo caddaaladda ee Baarlamanka Puntland lagu amray in ay baaritaan dhab ah ku sameeyan arrimaha kufsiga,si go’aanno looga soo saaro.

Sidoo kale ,waxaa kulanka looga hadlay arrimaha amniga iyo abaaraha baahsan ee laga soo sheegayo degaanno kamid ah Puntland, sida uu sheegay xoghayaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Xiddig warsame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here