Biyo yarida ka dhalatay roob la’aanta oo saamaysay deegaano badan oo katirsan Jubbaland

0
304

Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Macdanta iyo Tamarta Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlay xaaladda biyo yarida ka jirta qaybo badan oo kamid ay Jubbaland ayaa sheegay in biyo yaridu saameysay deegaanno katirsan gobolada Jubbada Hoose, Gedo iyo Jubbada Dhexe.

Biyo yarida ayaa timid roobka Gu’ga oo aan weli curan taasi oo keentay in ay guraan warihii ay ka cabi jireen dadka reer miyiga ah iyo goobihii kala ee laga heli jiray biyaha.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Macdanta iyo Tamarta Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda ay dedaal dheer ugu jiro sidii gurmad biyo dhaamin ah loogu sameyn lahaa dadka deggn goobaha ay ka jiraan biyo yaridu ee gobalada Jubbaland, waxaana uu tilmaamay in horay ay biyo dhaamin  ugu sameeyeen qaybo ka mid ah degmooyinka Kismaayo iyo Badhaadhe ee gobalka Jubbada Hoose.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in ay hay’addaha caalamiga ay la wadaageen xaaladda biyo yarida ah ee ka jirta deegaanada Jubbaland islamarkaana ay jawaab ka sugayaan.

Roobka Guga oo aan di’in xilligii la filaayey, warahii reer miyihu biyaha ka cabi jireen oo guray ayaa sababtay in deegaanada miyiga ah laga soo sheego biyo yari baahsan oo saamaysay nolosha duunyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here