Suldaan Cabdullaahi Cali Sonkor oo beeniyay warar lagu baahiyay Baraha bulshada

0
502

Shir ay magaalada Kismaayo ku yeesheen Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa waxaa ay ku beeniyeen war la isla dhex marayay baraha bulshada kaas oo ahaa in Baasaboorkii laga qaadey loona diidey in magaalada Kismaayo ka dhoofo Suldaan Cabdullaahi Cali Sonkor oo ka mid ah Salaadiinta Jubbaland.

Af-hayeenka Salaadiinta dowlad goboleedka Jubbaland Ugaas Cumar Xiirey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay beeninayaan wararka ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta iyo Wariyayaasha Soomaalida kuwaas warar been abuur ah ku qorey baraha bulshada,taasna ay tahay wax aan qabanin odayaasha dhaqanka Jubbaland,dhaqankuna uu ka madax bannaan yahay Siyaasadda dalka ka jirta.

Qaar ka mid ah Salaadiinta kale ee shirka goob joogga ka ahayd ayaa aad ugu dheeraadey ka hadalka wararka been abuurka ah waxa ayna ku baaqeen in bulshada Soomaaliyeed la isku soo dhaweeyo lagana shaqeeyo sidii umadda loo mideyn lahaa.

Suldaan Cabdullaahi Cali Sonkor oo ah Suldaanka lagu been abuurtay ayaa isagana dhankiisa ka hadlay isaga oo sheegay in wararka lagu qoray baraha bulshadda ay been iyo boronbagaando yihiin waxbana aysan ka jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here