AQRISO : XOG KUSAABSAN DAGAALKA SADEX GESOODKA U DHAXEYA MAN UNITED ,MAN CITY IYO LIVERPOOL

0
203

Ciyaarta go’aamin doonta kooxda horyaalka Premier League ku guuleysanaysa ayaa waxay Manchester United kusoo dhoweynaysaa gareenkeeda Old Trafford naadiga ay deriska yihiin ee Manchester City.

Ole Gunnar Solskjaer ayay wiilashiisu maryaha u dhigan doonaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen bahdilaaddii Everton u geysatay Axaddii ee ay 4-0 kaga adkaatay gudaha garoonka Goodison Park, laakiin Man City oo iyaduna 1-0 dirqi ah kusoo dhaaftay Tottenham Salaasadii ayaa ogsoon in tallaabada kaliya ee ka xigta inay ku guuleystaan horyaalka Premier League inay tahay kulankan oo ay Man United kaga adkaadaan.

Siddeedii ciyaarood ee ugu dambeeyey Man United waxa laga adkaaday lix ka mid ah, laakiin markan ma ogolaan doonto inay mar kale madaxa hoos u foorariyaan oo si dhayal ah ay City kaga qaadato saddex dhibcood oo ay iyaguba uga baahan yihiin inay ka mid noqdaan afarta naadi ee xili ciyaareedka dambe ka qayb-geli doona Champions League.

Sidaas oo kale, City ayaa guul-darro amaba barbar-dhac ay ku gasho Old Trafford, waxay ku waayi doontaa horyaalka xili ciyaareedkan oo ay Liverpool laba dhibcood ka horreyso xilli ay saddex ciyaarood oo kali ah hadhsan yihiin.

Pep Guardiola oo xili ciyaareedkii hore kooxdiisa kula guuleystay Premier League, ayaa sannadkan waajahaya tartan adag oo kaga  yimid Liverpool, oo ay iska laallaadi doonaan illaa ciyaarta ugu dambaysa.

Manchester United iyo Manchester City oo isku hal toddobaad ka wada hadhay Champions League, waxay dagaal kasta oo suurtogal ah jilbaha iskugu dhigan doonaan Old Trafford, halkaas oo jamaahiirta Liverpool ay si dhow ula socon doonaan maadaama natiijadu saamayn ku yeelanayso hammigooda xili ciyaareedka.

Haddaba, shabakadda ciyaaraha ee Cadalool waxay halkan idiinku soo gudbinaysaa saddex goobood oo dagaalka ugu weyn uu ku dhex mari doono Manchester United oo garoonkeeda joogta iyo Manchester City oo safar gaaban ugu tegaysa dariskeeda.

Dagaalkan waxa uu ka dhici doonaa saddex goobood, laakiin waxa uu si gaar ah u taaban doonaa oo ciddiyaha iskula tegi doona lix ciyaartoy oo saddexba koox ka socdaan.

1. Paul Pogba vs Ilkay Gundogan

Iyadoo uu maqan yahay ‘Farshaxankii’ reer Belgium oo kulanka Manchester derby ku seegaya dhaawac, Manchester City waxay khadka dhexe keeni doontaa Ilkay Gundogan oo isku dayi doona inuu buuxiyo booskiisa, waxayse si toos ah iskaga hor iman doonaan Paul Pogba oo ah hoggaamiyaha laysku waafaqsan yahay ee Man United.

Pogba waxa uu ka mid yahay xiddigaha khadka dhexe ee ugu hal-abuurka badan horyaaalka Premier League, laakiin bandhiggiisu maaha mid qani ku ah wax kasta oo looga baahan yahay, gaar ahaan kulamada waaweyn.

Hore ayuu u caddeeyey awooddiisa gool-dhalinta iyo gool-samaynta iyo waliba qaabka hore ee kubbad-dhisidda ka hor inta aanay goolka kooxda cadowgiisa kusoo dhowaanin, waxaanu taas kusoo bandhigay garoomada intii uu cusbaa tababare Solskjaer, laakiin muddooyinkan dambe hoos u dhac ayaa yimid.

Xiddiga reer France ee Pogba oo kaashanayey Alexis Sanchez, waxay ahaayeen nimankii go’amiyey natiijada ciyaartii waqtigan oo kale sannadkii hore dhex martay Manchester City ee ka dhacday Etihad Stadium, waxaana looga baahan yahay inuu mar kale ku celiyo, laakiin waxa hortiisa taagan Gundogan oo isaguna kubbad-Jarmal lasoo bixi doona.

Midka ku guuleysta dagaalkan, waxa kooxdiisu ay khadka dhexe ku yeelan doontaa awoodda sare, waana halka ugu dambayn laga go’aamin doono ciyaarta.

2. Romelu Lukaku vs Aymeric Laporte

Weeraryahanka u dhashay Belgium ee afka hore uga ciyaara United, waxa si weyn loogu dhalleeceeyey qaab ciyaareedkii uu muujiyey kulankii Sabtidii ay kooxdiisii hore ee Everton 4-0 ku xasuuqday Man United oo joogtay Goodison Park Axaddii, waxaana si gaar ah isaga loogu tilmaamay  inuu lumiyey ‘aqoonsigii United’, balse waxa uu mar kale safka hoggaamin doonaa ciyaarta Manchester City.

Arbacada, waxa uu ka hor tegi doonaa City, waxaanay dagaal fool ka fool ah iskaga hor iman doonaan difaaca reer France ee Aymeric Laporte oo wax walba u samayn doona sidii uu u joojin lahaa, ugana ilaalin lahaa inuu gaadho shabaqiisa amaba uu khatar geliyo.

Ka hor ciyaarta, waxa  Laporte uu ku naaloonayaa qiimaynta wanaagsan ee uu ku helay Kulankii Tottenham ee Sabtidii oo uu si fiican u xakameeyey Heung Min Son, waxaanu mar kale isku dayi doonaa inuu bandhiggaas ku celiiyo.

Romelu Lukaku waxa uu eedayn badan la soo kulmayay sanado badan iyada oo lagu duray in aanu waxba ka samayn karin kulamada kooxaha waa wayn waxaana xidiga reer Belgium soo saarnaa culays wayn kulamadii ugu danbeeyay ee ay Man United soo dhibtoonaysay.

Laakiin Lukaku ayaa haddii uu habeenkiisa fiican ku jiro waxa uu samayn karaa farqi muhiim ah isaga oo marar badan xili ciyaareedkan awood soo muujiyay.

Qaab ciyaareedka uu Lukaku kala soo muuqdo Old Trafford iyo waliba dhamaystirka uu sameeyo fursadaha uu helo ayaa natiijada ciyaarta wax wayn ka noqon karta.

Victor Lindelof vs Sergio Aguero

Weeraryahanka reer Argentine ee hoggaamiya Manchester City, waa ciyaartoyga hoggaaminaya gool-dhalinta Premier League oo uu illaa hadda ka dhaliyey 19 gool, laakiin waxa uu rajaynayaa inuu ku maadsado cadowgiisa Manchester United oo uu kusii dheeraysto tirada goolashiisa.

Aguero waxa uu khatar yahay marka ay kubaddu lugtiisa ku jirto, markaas oo uu awood u leeyahay inuu si sahlan kubadda u gaadhsiiyo shabaqa laga ilaalinayo, laakiin  markan waxay si toos ah iskaga hor imanayaan difaaca reer Sweden ee Victor Lindelof oo inkasta oo uu ku jiro laacibiinta la dhalliilayo haddana aan looga maarmi karin ciyaartan.

Lindelof bandhig fiican ayuu muujiyey marka si guud loo eego xili ciyaareedkan, waxaana uu nafta u huri doonaa sidii uu goolkiisa uga ilaalin lahaa Man City isagoo kaashanaya saaxiibbadiisa uu tababare Solskjaer usoo xulo inay garbihiisa ahaadaan.

Sergio Aguero waxa uu kulamadii ugu danbeeyay soo ahaa mid aan lahayn waxtarkii waynaa ee uu xili ciyaareedkan soo sameeyay halka Victor Lindelof uu isna ku soo dhibtoonayay difaaca kooxdiisa United laakiin kulanka Manchester Derby ma aha mid lagu qiimeeyo kulamadii hore balse waa mid ka duwan xaalad kasta.

Qaabka ay Victor Lindelof iyo difaaca kale ee kooxdiisa Man United ay u joojiyaan Sergio Aguero iyo xidigaha kale ee weerarka ayaa saamayn wayn ku yeelan karta kulanka Old Trafford ee Premier league.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here