Mahcadka tababarka caafimaadka Jubbaland oo qabtay tababar la xiriira nafaqo darrada

0
287

Mahcadka tababaradaa caafimadka Jubbaland ayaa soo gaba-gabeeyey tababar socday muddo 7 cisho ah kaas oo lagu baranayey maareynta nafaqo darrada.

Tababarka waxaa ka faa’iideystay 17 Arday oo laga soo xulay Jaamacadaha degmada Kismayo, markii casharadu u dhamaadeen waxaa ardeyda la guddoonsiisay shahaadooyin.

Ardeda ayaa baratay sida looga hortago nafaqo darrada iyo sida loola tacaalo marka lala kulmo dad ay haysato nafaqo darro.

Qaar kamid ah Ardayda ka faa’iideysatay tababarka oo la hadlay Jubbaland TV ayaa sheegay in casharada ay barteen ay ugu adeegi doonaan bulshadooda.

Maamulaha Mahcadka tababarada caafimadka Jubbaland Dr. Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Gaax Nuug ayaa sheegay in Mahcadku u furan yahay dhammaan ardeyda Jubbaland ayna diyaar u yihiin in ay bixiyaan tababarro kor loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga bulshada.

Mahcadka tababarka caafimaadka Jubbaland oo dhowaan laga furay magaalada Kismaayo ayaa bilaabay bixinta casharro waxtar u leh bulshada Jubbaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here