Odayaasha dhaqanka Jubbaland oo ka hadlay abaaraha iyo biyo yarida ka jirta deegaanada Jubbaland

0
65

Kuleylka iyo jiilaalka dheeraaday ee ka jira qaybo kamid ah dalka ayaa saameeyey duunyada, waxayna sababeen oon iyo baad yari soo wajahday xoolaha.

Dad badan xooolo dhaqato ah iyo kuwa danyar ah ayey abaaruhu saameyn weyn ku yeesheen, inkastoo heerka abaarahu aysan gaarin mid ay xoolahu baqtiyaan ayaa hadana waxaa deegaanada miyiga ka jirta biyo yari.

Kulamo looga hadlayo arrimaha abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo, si loo caawiyo dadka abaarahu sameeyeen.

Odayaasha dhanka Jubbaland oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo, ayaa ka hadlay arrimaha abaaraha, waxayna Allaah ka baryeen Raxmadiisa waasaca ah.

Roobabka Gu’ga ayaa saacadahii lasoo dhaafay ka curtay deegaano kamid ah Jubbaland, sida degmada Afmadow, inkastoo curashadu roobku ay bilow tahay hadana waxay niyadda u dhisay dad badan oo ay abaarahu saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here