Shirka golaha wasiiradda Jubbaland oo diiradda lagu saaray arrimaha abaaraha

0
320

Shirka golaha wasiirada Dowlad-goboleedka Jubbaland oo ah mid asbuuc kasta la qabto maalinta Khamiista ayaa waxaa maanta shir guddoominayey Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku-xigeenka labaad Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud.

Qodobada shirka looga hadlaayey ayaa waxaa kamid ahaa arrimaha siyaasadda, Amniga iyo abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa furitaanka shirka, kaddib waxa uu ka warbixiyay arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed ayaa Wasiiradda faah-faahin ka siiyey saameynta abaarahu ku yeesheen bulshada iyo biyo dhaaaamin ay wasaaraddu ka samaysay qaar kamid ah deegaanada ay biyo yariddu ka jirto.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan deegaano uu roob ka da’ay balse ay yihiin kuwo kooban, welina ay taagan yihiin abaaraha iyo biyo yarida.

Markii shirka dhamaaday ayaa waxa warbaahinta u akhriyay waxyaabihii kasoo baxay shirka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here