AMISOM oo beenisay in al-Shabaab ay dib u qabsadeen tuulada Sabiib ee Shabeellaha Hoose

0
318

Hoggaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya (AMISOM), ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay al-Shabaab dib ula wareegeen deegaan dhowaan laga xoreeyay oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ay soo soo saartay AMISOM ayay ku sheegtay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay weli gacanta ku hayaan deegaanka Sabiid oo 40 KM Koonfur kaga beegan magaalada caasimadda ah Muqdisho.

“Waxaan beenineynaa wararka been abuurka ah ee sheegaya in ay argagixisadu go’doomiyeen lana wareegeen deegaanka Sabiid,” ayaa lagu sheegay qoraalka. “Deegaankaa waxaa weli gacanta ku haya kana taliya ciidanka AMISOM iyo kuwa dalka Soomaaliyeed,” ayaa AMISOM intaa raacisay.

Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa horraantii bishan la wareegay deegaanka Sabiid kadib howlgallo aad u culus oo ay ciidamada dowladda ka wadeen gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here