Maamulka Trump oo ururka Ikhwaanul Muslimiin ku tilmaamay mid argagixiso

0
1044

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku howlan inuu ku tilmaamo jamaacada Ikhwaanul Muslimiin inay tahay urur argagixiso oo shisheeye, sida laga soo xigtay Aqalka Cad ee Mareykanka maalinkii shalay.

Ku tilmaamida urur argagixiso xarakadan ayaa sababi doonto xayiraado dhanka dhaqaalaha iyo safarka ah oo ku timaado dhaqdhaqaaqa ugu qadiimsan dalka Masar, iyadoo ay ka mid yihiin in ka badan hal milyan oo xubnood oo ku suga guud ahaan Bariga Dhexe.

Go’aankan ayaa kusoo beegamaya kaddib markii uu madaxweyne Cabdul Fatax Al-Sisi uu booqday bishii April Aqalka Cad.

Mr Sisi ayaa weydiistay madaxweyne Donald Trump inuu ku dhaqaaqo tallaabdan sida ay baahisay warbaahinta Mareykanka.

Maalintii Talaadada, afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa xaqiijisay in maamulka Trump uu ku dedaalayo in tallaabadaasi lagu dhaqaaqo.

“Madaxweynaha ayaa la tashaday kooxdiisa ammniga qaranka iyo hoggaamiyeyaasha gobolka ee arrintaan ay ka mideysan yihiin, tallaabadan ayaana meel fiican mareysa,” ayay ku sheegtay Ms Sanders bayaan ay soo saartay.

Maamulka Trump ayaa amray marka hore in saraakiisha iyo diblomaaisyiinta ay soo helaan qaab cunaqabateyno loogu soo rogo xarakada Ikhwaanul Muslimiin, kaddib markii kulan uu dhexmaray Mr Trump iyo Mr Sisi 09 bisha April, sida ay qortay warbaahinta US.

Xukuumadda Masar ayaa durbaba ku tilmaameyso xarakada Ikhwaanul Muslimiin inay tahay argagixso.

Mr Sisi ayaa xilka ka tuuray madaxweyne Maxamed Mursi sanadkii 2013, maadaama ururkaasi uu horey hoggaamiye uga soo noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here