Tababar lagu baranayay daaweynta Cudurka Qaaxada oo lagu qabtey Kismaayo

0
182

Wasaaradda Caafimadka Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ka daah furtay tababar lagu baranayo sida loo daaweeyo ama looga hortago Cudurka Qaaxada.

Tababarkan ayaa socon doona muddo 5 Maalmood ah iyadoona loo qabtay Dhakhaatiirta ka howl-gasha Xarumaha Caafimaadka ee lagu daaweeyo dadka qaba Cudurka Qaaxada ee ku yaalla Deegaanada iyo Degmooyinka Jubbaland.

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gudiga Arimaha Bulshada Baarlamanka Jubbaland oo furitanka Tababarka ka hadlay ayaa Sheegay in Cudurkaan uu yahay mid la daweyn karo loona baahan yahay in lagu dadaalo sidii looga hortagi lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka Dowlad Goboleedka Jubbaland Dr Mursal Maxamed Khaliif oo furay tababarka ayaa sheegay in tababarkaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Wasaaradda,Waxuuna intaas ku daray in Bulshada laga wacyi galiyo Cudurka Qaaxada si loo Baabiyo wax yeeladiisa. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here