Dowlad-goboleedyada dalka oo ka soo horjeestay xeerka canshuuraha dalka

0
312

Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad-goboleedyada dalka ayaa qaadacay xeerka canshuuraha ee Sabtidii ay wasaaradda maaliyadda federaalka u gudbisay golaha shacabka.

War saxaafadeed ka soo baxay shir ay Garoowe ku yeesheen wasiirrada Maaliyadda Dowlad-goboleedyada ayaa lagu sheegay in dhacdo cusub ay ku tahay in Wasiirka Maaliyadda uu xeerka canshuuraha dalka horgeeyo golaha shacabka, isagoo aan la tashi kala sameyn.

“Xeerkan uu wasiirku afduubay wuxuu si buuxda uga hor imaanaya dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo hab-fulinta xeerka cashuuraha dalka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowlad-goboleedyada ayaa ugu baaqay golaha shacabka in aysan ansixin xeerkan oo ay ku sheegeen mid aan dhaqan gali doonin.

Go’aanka shirkan ka soo baxay waxaa soo dhoweeyay Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed oo shir saddex geesood ah xalay ku yeeshay magaalada Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here