Ardeyda Kismaayo oo dhigay isku soo bax cabasho ah

0
62

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in la joojiyey Imtixaankii dugsiga sare ee ay qaadaysay Dowladda Soomaaliya, kaasoo saddexdii maalin ee u dambeysay ka socday inta badan gobolada dalka.

Wasiir Goodax oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa qiray in la helay su’aalaha dhamaan lixdii Maaddo ee la kala galay maalmahii Sabti, Axad iyo Isniin.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaan si cad u sheegin cida su’aalaha bixisay, wuxuuse carabka ku adkeeyay in ay jiraan dad iyadoo bil Ramadaan lagu guda jiro dhaqaale ka raadiyay in ay gataan su’aalihii Imtixaanka ee ardeyda loo diyaariyey.

Hasa yeeshee waxaa taasi ka soo horjeestay kana banaan baxay boqolaal ka mid ah ardayda ku jirtay Imtaxaankii la joojiyey ee sanadkaan dhamaynaysay dugsiyada sare ee magaalada Kismaayo.

Ardayda oo banana-bax nabdoon ku maray waddooyinka magaalada Kismaayo ayaa tegay xarunta Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, halkaasi oo ay ku muujiyeen cabashadooda ku aadan Imtaxaanka dib loo dhigay.

Qaar ka mid ah ardayda banana-baxaysay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Imtaxaankii la laalay ay wakhti iyo maskax galiyeen isla markaana aysan awoodin in ay labo imtaxaan galaan.

27-ka bishaan ayuu Wasiirka Waxbarshada Soomaaliya tilmaamay in ay dib u bilaabanayaan dhamaan maadooyinka Imtixaanka fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare, isagoo sheegay in la baabi’iyey kuwii la gelaayey maalmahan, kuwaas oo habeen kasta dhex yaacayey baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here