Kismaayo: 30 Haween ah oo loo tababaray sida loo sameeyo Yoogadka iyo Jallaatada

0
138

30 haween ah oo isugu jira dadkii kasoo laabtay Dhadhaab, dadka danyarta ee ku nool magaalada Kismaayo iyo qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ayaa ka faa’iideystay tababar lagu baranayo sida caanaha xoolaha ee muddada yaalla loogu bedelo cunto waxtar leh kaddib marka dib loo habeeyo.

Kaddib tababar ay qaateen muddo labo asbuuc ah, haweenkaan oo qaarkood ay ka ganacsadaan caanaha ayaa waxaa la siiyey qalab ay ku shaqaystaan, caanaha marka ay suusaca noqdaan halkii laga daadin jiray waxay bedelayaan Yookad, nashqadeyn kadibna way iibinayaan.

Haweenka oo loo qaybiyey saddex kooxood oo min 10 ah, ayaa waxaa loo kireeyey guri ay ku shaqaystaan, hay’adda SWSO oo taageero ka helaysa Hay’adda GIZ ayaa mashruucaan ka fulisay magaalada Kismaayo.

Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland, Guddoomiyeyaasha xaafadaha Kismaayo iyo Dalladda JUNSA iyo wakiillo ka socday hay’adaha SWSO iyo GIZ ayaa kasoo qayb galay munaasabad loo dhigau haweenka tababarka loo sameeyey kaddibna qalabka lagu wareejiyey.

Guddoomiyaha xaafada Calanley ee magalada Kismaayo Cusmaan Faarax Baande ayaa u mahadceliyey cid wlabo oo ka qayb qaadatay in dadkaan lagu taageero sidii loogu hormarin lahaa ganacsigooda.

Xaliimo Faarax Godane oo ah madaxa haya’dda SWSO ayaa sharraxaad ka bixisay mashruuucaan iyo qaabka uu u soconayo barnaamijkaan lagu hormarinayo haweenka.

Agaasimaha Wasarada Xanaanada xoolaha Jubbaland Cabdullaahi Cali Faarax ayaa ku ammaanay hay’adda SWSO fikradda wax tarka leh ee ay uga faa’iidaynayso bushada, wuxuuna tilmaamay in mashruucaan lagu hormarinayo caanaha uu yahay mid waxtar leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here