Wasiirka Cadaaladda Jubbaland oo kulan la qaadatay bulshada ku dhaqan deegaanka Goobweyn

0
31

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar oo ay weheliyaan Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan Siciid, Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Kismaayo ee dhanka amniga Cabdullaahi Cabdi Maxamed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay deegaanka Goobweyn, waxayna kulan la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Kulanka mas’uuliyiinta ay la qaateen bulshada deegaanka Goobweyn ayaa inta badan lagu gorfeeyey baahiyaha ka kira deegaanka.

Guddoomiyaha deegaanka Goobweyn Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in deegaanka ay ka jirto baahi dhanka biyaha, waxayna dalbadeen in deegaanka loo sameeyey xarun Boolis.

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlad-goboledka Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan Siciid ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo xabsi ay yeelato Goobweyn, waxuuna bulshada ku amaanay sida ay uga go’an tahay garab is taagga Dowladooda.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Dowlad-goboledka Jubbaland Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar ayaa bulshada deegaanka Goobweyn u sheegay in Dowladdu waddo qorshe deegaanka loogu hirgalinaayo mashaariic horumarineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here