Gaari oo si kama ah ugu dhacay Diyaarad Khaas u ah Ra’iisul wasaareAngela Merkel

0
15

Wargeyska Tabolid Bild ee ka soo baxa magaalladda Berlin ayaa qoray in gaari noociisu ahaa Renault Trafic oo aan Dareewal lahayn uu ku dhacay Diyaaradda Khaaska ee Ra’isul-wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel oo taagnayd Garoonka magaalladda Dortmund.

Gaarigu waxa uu waxyeello gaarsiiyey Diyaaradda, inkastoo uusan dhaawac soo gaarin 3 Shaqaale oo  ku dhex jiray Diyaaradda.

Diyaaradda shilka gashay ayaa la sheegay inuu burbur ka soo gaaray wejiga hore ee laga hago Diyaaradda.

Wargeyska waxa uu tilmaamay in aysan Angela Merkel xilliga uu shilku dhacayey ku dhex jirin Diyaaradda.

Afhayeenad u hadashay Garoonka Dortmund oo lagu magacaabo Davina Ungruhe ayaa sheegtay in baaritaano dheeraad ah lagu sameynayo waxa sababay inuu gaarigu iskiisa u dhaqaaqo oo uu sababo shil.

Ilo-wareed ka tirsan Dowladda ayaa u sheegay Wargeyska tabloid Bild in laga yaabo in Dareewalka gaariga oo malaha ku faraxsanaa inuu arkay Diyaaradda Angela Merkel ayaa la sheegay inuu iloobay inuu gaariga u jiido Fariin-gacmeedka (The handbrake).

Dhacdadan ayaa timid isbuucyo kadib, markii ay Diyaaradda Khaaska ee Angela merkel ay si deg deg ah u caga-dhigatay Garoonka diyaaradaha ee Schönefeld Airport ee magaalada Berlin, kaddib markii ay soo wajahday cillad.

Si kastaba ha ahaatee, 6 shil oo dhinaca farsamada ayey 12-ka Diyaaradood oo Khaas u ah Dowladda Jarmalka la kulmeen sannadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here