Kenya ayaa malaayiin Dollar ku bixinaysa casriyeynta awoodda ciidankeeda

0
70

Dowladda Kenya ayaa bilowday in ay kordhiso miisaaniyadda Milliteriga, xilli uu Tartan dhanka Hubka ka socdo dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa sheegtay in ay casriyeynta Difaaca u qoondeeyeen lacag dhan 237 Million oo Dollar sannad-maaliyadeedka bilaaban doona bisha July 1-da ee sannadkan 2019-ka.

Xildhibaanadda Barlamaanka dalkaasi waxay dib-u-eegis ku samaynayaan miisaaniyadda loogu talagalay hawlaha difaaca, kaasi oo muujinaya in uu sare u kacay ilaa 1.09 Billion oo Dollar.

Shabakadda Busines Daily  ayaa qortay in kharashka ugu badan oo dhan 23.7 Billion oo Shillinka Kenya ah in lagu soo iibin doono Hubka culus ee Milliteriga dalkaasi, si ay  isaga difaacaan weeraradda dagaalamayaasha Al-shabaab.

Kharashka faraha badan ee ay Dowladda Kenya ku bixinayso arrimaha difaaca ayaa waxa uu abuuri karaa in uu sii kordho tartanka hubka ee gobalka, iyadoo Dowladaha Uganda iyo Tanzania kordhiyeen miisaaniyadooda dhanka Milliteriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here