Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo laga xusay magaalada Kismaayo

0
20

Sanad kasta bisha May 15-keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aas-aaskii xisbigii gobanimo doonka ahaa ee SYL kaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee dalka laga furo islamarkaana ay ku mideysnaayeen dhalinyaro ku noolaa gudaha dalka Soomaaliya.

Munaasabad ballaaran oo lagu xusaayey maalintaan qiimaha badan ugu fadhida dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismaayo, waxaana ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee dhalinyarada ku nool magaalada Kismaayo.

Dhalinyarada oo wata boorar ku xardhan yihiin halku dhigyo lagu muujinaayo muhiimadda 15-ka ayaa socod ku maray laamiga magaalada Iyadoo laamiga ee dhexmarta magaalada Kismaayo.

Intaas ka dib ayaa munaasabad ballaaran waxaa lagu qabtay xarunta Waamo Garden, dhalinyaro ka kala socotay 5-ta xaafadood ee magaalada Kismaayo ayaa halkaasi kusoo bandhigay Gabayo iyo Geeraarro ku saaban maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa kasoo Xildhibaanno, qaybaha ururada dhalinyarada iyo marti sharaf kale, qaar kamid ah dhalinyaradii kaoo qey bgalay munasabadda ayaa dareenkooda ka hadlay.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarda gobolka Jubbada Hoose Axmed Maxamed Taqal ayaa sheegay in 15-ka bisha May ay muhiimad gaar ah u leedahay guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha dhalinyardda Jubbaland Cabdiwahaab Bilaal Axmed ayaa hambalyo u diray dhammaan dhalinta Soomaliyeed .

Xilshibaan Shire Cabdi Maxamed Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa kula dardaarmay dhalinyarada in ay ka qayb qaataan horumarinta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here