Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland oo dhagax dhigay Garoonka Diyaaradaha Ceelwaaq

0
17

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland oo maalmahan howlo shaqo u jooga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa shalay gelinkii dambe dhagax dhigay garoon diyaaradeed ay yeelanayso degmada Ceelwaaq

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa wehelinaayey xiligii uu dhagax dhigga sameynayey maamulka degmada Ceelwaaq, kan gobolka Gedo iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Jubbaland.

Dhagax dhigga kadib ayuu Jubbaland TV la hadlay Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad Maxamuud Sayid Aadan, wuxuna sheegay in garoonkaan lagu dhisi doono iskutashiga bulshada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here