Milliteriga Sudan iyo Mucaaradka oo heshiis ka gaaray arrimaha xilliga kala guurka

0
20

Hoggaamiyayaasha Milliteriga ee talada dalkaasi la wareegay bishii hore waxay kooxaha Mucaaradka kula heshiiyeen in muddo 3-sanno ah looga baxo xilliga kala-guurka ah, si Dowlad rayid loogu wareejiyo maamulka dalkaasi.

Jeneral Yaasir Al-Atta oo ka tirsan Golaha Milliteriga ee TMC oo hir Jaraa’id ku qabtay magaalada Khartuum ayaa sheegay in ay labada dhinac heshiis kama-dambays ah ka gaareen Awood-qeybsiga, oo ay ku jirto qaabaynta maamulka soo socda ee dalkaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in muddada xilliga Kala-guurka la dhisi doono Baarlamaan ka kooban 300 oo xubnooda, iyadoo 67% ay ka imaan doonaan Isbahaysiga Xorriyadda iyo Ibedelka, halka 33% ka kala imaan doonaan Kooxaha kale ee Siyaasadda.

6-da bilood ee ugu horreysay ee xilliga kala-guurka waxaa heshiis nabadeed lala saxiixan doonaan Jabhadaha hubeysan ee ku sugan deegaanadda ay colaaduhu ka socdaan ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Madani Cabaas Madani oo u hadlay Mucaaradka ayaa sheegay in ay Golaha haya Talada Suudaan dhisi doonaan Guddi baaritaano ku sameeya weeraradii loo geystay Dibadbaxayaasha.

Golaha Milliteriga ee TMC waxaa madax ka ah Jeneral C/faataax Al-Burhaan, kaasi oo la wareegay talada dalkaasi, kadib, markii Madaxweynihii hore, Cumar Xasan Albashiir talada laga tuuray bishii April 11-dii ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here