Sare u kac ku yimid qiimaha Kalluunka ee suuqyada Kismaayo

0
27

Sare u kac ku yimid qiimaha Kalluunka ah ayaa laga dareemaya suuqyada Kalluunka lagu iibiyo ee magaalada Kismaayo, waxaana dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay isbedelay qiimihii hore ee Kalluunka la kala siisan jiray kaasi oo markii hore kiilada lagu kala iibsan jiray $2.5 ilaa $3 dollar balse maanta waxaa lagu kala iibsanayaa $4 dollar.

Sare u kacan ayaa yimid ka dib markii ay dabaylo ku dhufteen badda, waxaan taasi ay hakad galisay Kalluunkii badnaa ee magaalada soo geli jiray, sidoo kale waxaa sare u kaca qiimaha Kalluunka qayb ka ah bisha Ramadaan oo dadku ay Kalluunka aad u isticmaalaan.

Qaar ka mid ah suuqlayada Kalluunka lagu gado magaalada Kismaayo oo Jubbaland TV la hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyey isbedelka qiimaha Kalluunka la kala siisto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here