Shir looga hadlaayey ilaalinta Xuquuqul Insaanka oo ka dhacay garoonka diyaaraha Kismaayo

0
67

Shirkaan oo qayb ka ahaa wadatashiga dib u eegis lagu samaynaayo xeerarka xuquuqda Insaanka oo ay saxiixeen waddamo badan oo ay Soomaaliya kamid tahay sanadkiina mar la qabto ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Shirka waxaa ka qayb galay guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka Jubbaland , guddiga Garsoorka Jubbaland, Maxkamada Racfaanka Jubbaland, Wasaaradaha Warfaafinta ,Arrimaha gudaha ,Haweenka, Caddaaladda, Qorsheynta iyo madax ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland Aadan Ibrahim Aw Xirsi ayaa shirka furay.

Morgan Dube, madaxa xafiiska UNSOM ee Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay kamid tahay goobaha ugu horreeya guud ahaan Soomaaliya ee ku wanaagsan qaadashada iyo ku dhaqanka sharciga hormarinta Xuquuqul Insaanka.

Kaddib furitaanka shirka dhinacyada ka qayb gelaaya waxay yeesheen kulamo ay saxaafaddu dibad joog ka tahay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka arrimaha qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland Maxamed Xuseen Maxamed ayaa shirka kadib nooga warbixiyay waxyaabaha shirka kasoo baxay iyo doorka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Iinsaanka Jubbaland ay ku laheyd shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here