Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Sweden uga qayb galay Nabadda iyo Horumarka

0
51

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeyb galay Madasha lixaad ee Nabadda iyo Horrumarka oo laga furay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeyb galayaan dad badan oo isugu jira siyaasiyiin, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh.

Madasha oo sanadle ah qaban-qaabadeeduna uu leeyahay Machadka Caalamiga ee Stockholm ee Cilmi-baarista Nabadgelyada (SIPRI), ayaa sanadkaan diiradda lagu saarayaa mowduuca ku saabsan  ‘Ka jawaab celinta dhibaatooyinka si nabadda loo dhiso iyo ka guul-keenidda wadajirka.

Madasha oo seddex cisho socon doonta ayaa Wasiir Axmed Ciise Cawad waxa uu khudbado ka jeedin doonaa dhowr fadhi oo wadatashiga ka mid ah oo ay kala qeybqaadanayaan Wasiirro iyo wakiillo caalami ah oo ay ku fallanqayn doonaan nabad dhisidda, deganaanshaha iyo horrumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here