Baarlamaanka Jubbaland oo kulan la qaatay Odeyaasha dhaqanka Jubbaland

0
78

Golaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Jubbanland ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Jubbaland,kulanka oo looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin habka soo xulista Baarlamaanka cusub ee shaqayn doona afarta sano ee soo socoto iyo xeeraka ay Baarlamaanka ansixiyeen ee ah in beel kasta ay guddiga doorashooyinka usoo gudbiyaan saddex musharax oo u tartamaya xubinimada Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ee hadda shaqeeya ayaa Odeyaasha dhaqanka ka codsaday in ay dib usoo doortaan si ay u dhameystiraan howlaha hadda socda, waxayna Odeyaasha sharraxaad ka siiyeen duruufihii adkaa ee ay kusoo shaqeeyeen.

Guddomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa furay shirka maanta dhexmaray Odeyaasha dhaqanka iyo Baarlamaanka Jubbaland.

Cabdi Baalley Xuseen Guddoomiye ku-xugeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa Odeyaasha u sharraxay u jeedka ay kualankan u qabteen.

Intaasi kadib Odayaasha dhaqanka oo madasha ka hadlay ayaa soo dhoweeyay islamarkaasina ku raacay Baarlamaanka Jubbaland nidaamka lagu soo xulayo xildhibaanada cusub ee Jubbaland, waxayna amaaneen shaqadii uu soo qabtay Baarlamaanka Jubbaland muddadii afarta sano ahayd.

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif iyo Ugaas Maxamed Maxamuud ayaa markii shirku soo dhamaaday waxay la hadleen Jubbaland TV, waxayna sharraxaad ka bixiyeen miradhalka kulanka ay la qaateen Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here