Dadka deegaanka Istanbuul oo ka cabanaya duruufo soo foodsaaray

0
134

Deegaanka Istanbuul ee nawaaxiga dalcadda Luglow oo qiyaastii 20-KM magaalada Kismaayo uga beegan dhanka waqooyi, waxaa degan dad isugu jira beeralay iyo xoolo dhaqato oo kasoo barakacay dhibaatadda ay cadowga Al-shabaab ku hayaan dadka ku nool deegaanada ay ka taliyaan iyo fatahaado ka dhacay dhulka dhasheeg Waamo

Deegaankaan oo ay aas-aaseen dad u badan qurbo joog ayaa hoy u noqday dad badan oo barakacayaal ah, dad ku nool xoogoodu waa haween iyo carruur, deegaanku malaha adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Deegaanka Webigu wuxuu u jiraa ilaa 3-KM hadana dadka waxay ka cabanayaan biyo yari, inkastoo Xildhibaan Riyaaq Cabdi Xassan oo katirsan Baarlamaanka Jubbaland uu dadkaan siiyo biyo, hadana maaha kuwo ku filan.

Guddoomiyaha deegaanka Istanbuul Maxamuud Cumar Cabdi ayaa codsi u diray Dowlad-goboleedka Jubbaland si ay caawimaad u helaan dadka ku nool deegaankaan.

Xildhibaan Riyaaq Cabdi Xassan oo kamid ah dadkii aas-aasay deegaankaan ayaa ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadka danyarta ah ee ku nool deegaankaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here