Danjiraha Midowga Yurub oo Soomaaliya u ballanqaaday wadashaqeyn buuxda

0
238

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa sabtidii xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha cusub ee dhawaan Midowga Yurub usoo magacaabay Soomaaliya, Nicolas Berlanga Martinez.

Labada masuul ayaa kawada arrinsaday adkeynta iyo dardargelinta xariirka Midowga Yurub uu la leeyahay Soomaaliya iyo hirgelinta mashaariicdii kal hore uu ururku u balanqadaay Soomaliya.

Danjire Martinez, ayaa dowladda Soomaliya uga mahadnaqay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Soomaaliya isaga oo ballanqaaday in uu dadaal badan ku bixin doono garab istaagga Soomaaliya.

Danjiraha ayaa dowladda Soomaaliya u ballanqaaday in uu la shaqeyn doono heer federaal iyo heer maamul intaba.

Midowga Yurub ayaa dhawaan ku dhawaaqay dib u cusbooneynsiin uu ku sameeynayo kaalmada iyo taageerada uu ku bixiyo wadamada dhaca gobolka Geeska Afrika oo ay Soomaliya ka mid tahay,oo ay ku suganyihiin ciidamo farabadan oo nabad ilaalin ah kaddib safarkii ay Soomaaliya ku timid wakiilka Midowga Yurub ee Arrimaha dibadda iyo Ammaanka Federica Mogherini.

Safiirka midowga yurub ayaa kulanka kadib waxa uu bartiisa twitter-ka soo dhigay muuqaal uu kaga hadlayo waxa ay diinayaan in ay la qabtaan Soomaaliya

“Midowga Yurub waxa uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo masuuliyiinta Soomaaliya, haweenka, dhallinyarada, warbaahinta,culimada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kalae ee bulshada. Waana kuwaas, waxyabaha aan rabno in aan siino ahmiyadda kowaad sanadaha soo socda,” ayuu yiri Danjire Martinez.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka caawiya arrimo badan oo ay ka mid yihiin tababarka ciidamada iyada oo ay xusid mudantahay in sanadkii 2017-kii uu ballanqaaday ururku in uu Soomaaliya ku caawinayo lacag ka badan 1 bilyan oo dollar.

Kulanka labada nin ayaa imaanaya iyadoo dowladda Ingiriiska oo weli ku jirta midowga yurub ay maalintii shalay ka hirgalisay Xero lagu tababaro ciidamada dowladda magaalada Baydhabo ee maamulak Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here