Ciidanka Puntland oo dib ula wareegey Tuulada Af-Urur

0
35

Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ayaa dib ula wareegay tuulada Af-Urur ee gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka.

Tuulada Uf-Urur oo ciidamada Daraawiishta Puntland ay ka baxeen todobaadkii hore ayaa waxaa maalmo kadib qabsaday maleeshiyada ka tirsan Al-shabaab balse ciidamada ayaa mar kale dib ula wareegay.

Malleeshiyaadkii Al-shabaab ayaa sida la sheegay ku laabtay buuraleyda dhanka waqooyi ka xigta tuulada Af-Urur oo ay markii hore ka soo baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here