Kulan looga hadlayay qabyo qoraalka Dastuurka dalka oo Kismaayo lagu qabtey

0
101

Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatey kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka qabyo qoraalka ee dalka.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada degmada Kismaayo ku dhaqan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Jubbaland,Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo xubno kale oo Wasaaradaha kale ka socdey.

Xuseen Macalin Cali Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dasturka iyo arrimaha Federaalka dowlad goboleedka Jubbaland oo ugu horeyn meesha ka hadlay  ayaa sharaxey kulanka iyo waxyaabaha uu ku saabsanyahay.

Cumar Maxamed Cabdi Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka Jubbaland ayaa isna dhankiisa ka hadlay Dastuurka qabyo qoraalka ah isagoona ugu dambeyntii kulanka furey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here