Agaasimaha wasaaradda Dhalinyarada Jubbaland oo kormeeray xarumo lagu tababaro dhalinyarada

0
34

Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Dowlad-gobooledka Jubbaland C/raxmaan Xaaji Cabdi oo ay wehelinayaan xubno ka socday wasaaradda Dhalinyaradda ayaa maanta howlo kormeer shaqo ku tegay xarumo ay wax ku bartaan dhalinyaro ay horay fursado shaqo abuur ah ugu sameysay Wasaaradda.

Xarumahaan ayaa lagu bartaa Farsamada gacanta sida Cuno karinta, Tolista dharka, barashada Kompuyutarka iyo Sameynta Biraha Gadiidka.

C/raxmaan Xaaji Cabdi Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa intii uu joogay xarumahan dhiiri galin weyn u sameeyey dhalinyaradii ku howlaneyd barashada Farsamada Gacanta.

Barreey Cabdi Garweyne oo ka mid ah maamulayaasha xarumahan ayaa ka mahadcelisay booqashada iyo dhiiri galinta uu Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Jubbaland uu maanta ugu tagay dhalinyarada baraneysa farsamada Gacanta.

Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Jubbaland C/raxmaan Xaaji Cabdi oo dhalinyaradii baraneysa casharada la hadlay ayaa kula dar daarmay in ay sii labo jibaraan waxbarashadooda, waxuuna intaas ku daray in Wasaaradda xilli walbo ay ka war heyn doonto. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here