Dhismaha warshad soo saarta dharka ciidamada oo Muqdisho ka billowday

0
27

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax dhigtay warshad lagu farsameeyo dharka kala duwan ee ciidamada Soomaaliya.

Warshadda oo uu si rasmi ah u dhagax dhigay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, xasan Cali Kheyre ayaa  la filayaa in ay soo saarto dhar ciidan oo leh tixraac fududaynaya in askarta dowladdu ay yeeshaan nidaam labbis oo dhamaystiran iyo waliba in afarta ciidan qarameed mid walba uu helo labis u gaar ah.

Dowladda Turkiga ayaa Warshadda iyo dhammaan agabka ay ku shaqaynayso ugu deeqday dowladda Soomaaliya waxaana la rajaynayaa in warshaddan la howl geliyo sanadka 2020-ka.

Dhismaha warshaddan cusub ayaa meesha ka saaraya dharkii ciidanka ee laga keeni jiray dibadda iyo in dharka ciidanka ay adeegsadaan dad aan ka tirsanayn ciidamada u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.

Howlgelinta warshaddan ayaa wax weyn ka badali doonta hannaanka ay u shaqeeyaan ciidamada dalka gaar ahaan dhanka labbiska oo uu ka heystay culeys farabadan.

Dowladda Turkiga oo maalgelinaysa mashruucan ballaaran ayaa ah dalka taakulada ugu ballaaran siiya ciidama Soomaaliya, iyada oo ay xusid mudantahay in Turkigu ay magaalada Muqdisho ka hirgeliyeen saladhig millatari kaasoo shaqada ugu badan ee uu qabtaa tahay tababarka iyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here