Ku simaha Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray waddooyinka Kismaayo ee ay biyahu fariisteen

0
100

Shirkaan oo uu guddoominaayey Madaxweyne ku-xigeenka labaad ahna ku simaha Madaxweynaha Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayna kala qayb galeen Saraakiisha ciidanka amniga Jubbaland ayaa lagu qabtay Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland.

Shirka oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayaa looga hadlay xoojinta ammaanka magaalada Kismaayo.

Shirka markii soo idlaaday ayaa ku simaha Madxweynaha iyo qaar kamid ah Wasiirada Jubbaland oo uu wahelinaayay Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Kisamaayo waxay socod kormeer ah ku sameeyeen waddooyinka dhex mara xaafadaha magaalada Kismaayo iyo suuqa weyn ee magaalada, Masuuliyiinta ayaa u kuurgelaayey xaaladda waddooyinka ay biyahu fariisteen.

Madxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa kula dardaarmay dadka Kismaayo in ay ka qayb qaatan dhisidda iyo hagaajinta waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here