Madaxa taakuleynta iyo u adkeysiga masiibooyinka Midowga Yurub oo soo gaartay maagalada Kismaayo

0
158

Wafdigaan waxay iskugu jireen xubno ka socday Midowga Yurub oo ay hoggaamineyso Pauline Gibourdel, xubno ka socday waasaradaha Qorsheynta iyo Maalgashiga, Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Dowladda Soomaaliya iyo Winfred Busia oo ah Madaxa mashruuca Stream oo ah mid ay ku mideysan yihiin 3 hay’adood oo maalgalin u sameyeeyey ganacsata haysta ganacsiga yar yar ee ku nool magaalooyinka Dhoobley, Afmadow iyo Kismaayo.

Wafdigan waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xariirka caalamig ah ee Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed, soo dhoweyn kaddib Agaasimaha ayaa wafdiga uga warbixiyey halka uu marayo mashruuca maalgalinta ah.

Pauline Gibourdel oo ah madaxa barnaamijka lagu magacaabo Resilience Program oo ah baranaamijka u adkeysiga abaaraha iyo maalagalinta ganacsata yar-yar ayaa sheegtay in ay u imaadeen magaalada Kismaayo si ay usoo arkaan halka u marayo barnaamijkii ay dhaqaalihiisa bixiyeen.

Winfred Busia oo ah isku xiraha mashruucaan ayaa rajo wanagasan ka muujisay sida looga faa’iideystay mashruucaan, waxayna sheegtay in hadda ay u kuur galayaan qaabka ganacsatadu u shaqeeyeen.

Intaas kadib xubnaha oo gudaha u soo galay magaalada Kismaayo ayaa kormeer ugu tagey ganacsatada la maaglagaliyay ayagoona mid mid u wareystay qaabka ay uga faa’iideysteen maalgalintan.

Qiimeynta mashruucaan intii uu socday ganacsata iyo qaar kamid ah shirkadaha maalgalinta sameaya ayaa soo badhigay habka ay wax u maalgaliyaan iyo sida looga faa’iidaysto.

Pauline Gibourdel oo ku labistay dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in aad ugu farax santahay horumarka dhanka ganacsiga ah ee ay sameeyeen dadkaan maalgalinta loo sameeyey.

Maxamed Ibraahim Cali Jeyte madaxa mashruuca maalgalinta SADO ayaa ugu dambeyntii ka kawar bixiyay sida ay u soo xushaan dadka maalgalinta loo sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here