Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kulan la qaatey Ciidanka ku sugan aagga Af-urur

0
89

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku gaaray degaanka Af-urur ayaa kormeeray ciidanka Daraawiishta Puntland ee ka hawlgala deegaankaasi.

Kormeerka kadib Madaxweyne ku-xigeenka iyo wefdigiisu ayaa kulan muhiima la qaatey saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland.

Waxaanu u soo qastiney dhufayskaas aad ku jirteen ilaa 2010-kii oo aad u adkaysateen saa u difaacdaan dalkiina inaanu idiinku nimaadno, Alle ha u naxriisto intii naftooda ku weydey iyagoo difaacaya dalkooda, intii ku dhaawacantayna Alle ha u boogadhayo, waxaanu u nimad sidoo kale inaanu idinla soo aragno halkaas aad ku jirtaan, waad fuliseen balanqaadkiinii, waad fulindoontaan inta naftu idinku jirto, waadna ku amaanantihiin”.

”Waxaan balanqaadaynaa ka dowlad ahaan wixii aanu qaban karno inaanuu qabano, wixii naga tanbatana inaanu idinku soo noqono illeen dalka waa wada leenahay eh oo aad xogogaalnimadeeda iyo ixtiraankeeda aad yeelataan” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here